Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Xirsi Aadan Rooble.
Wasiir ku-xigeenka Xirsi Aadan ayaa waxaa socdaalkiisa Kismaayo ku welinayay Maareeyaha Guud ee Hay`adda duulista iyo Saadaasha Hawada DFS Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xubno kale , iyadoona halkaas siweyn loogu sameeyay dhaweeyay.
Maareeyaha guud ee Hay`adda duulista iyo hawada dowladda Axmed Macalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ujeedka ay Kismaayo u gaareen uu yahay sidii ay tababarro kala duwan u siin lahaayeen shaqaalaha iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda ayaa sheegay in ay ballaarin doonaan qorsheyaasha lagu hormarinayo Garoomada Soomaaliya, isla markaana socdaalkooda uu qeyb ka yahay howlo shaqo oo dhowr ah.