Wararka aan ka helayno Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in qarax khasaare badan dhaliyay uu ka dhacay degmadaas, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.
Qarax Miino oo lagu bartilmaameedsaday ilaalada Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku dhintay 6 Askari oo oo ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha, iyadoo ay ku dhaawacmeen sida wararku sheegayaan 4 Askari.
Joob joogayaal ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen jugta Qaraxa oo ahaa mid xooggan, kaasi oo laga maqlay degaanada u dhaw halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxu uu si gaar ah uga dhaacy duleedka Bal-cad ee jidka gala Basra.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas khasaaraha dhaliyay, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Askar ka tirsan kuwa ilaalada gaarka u ah Guddoomiyaha degmadaasi Balcad.
majiro wax war ah oo aksoo baxay mas’uuliyiinta amniga Gobolka Shabeellaha dhecxe iyo kan maamulka Degmada Balcad oo ay kaga hadlayaan qarax la sheegay in lagu laayay Askar ilaalo u ahaa Guddoomiyaha degmada.
Qaraxyada iyo dilalka Qorsheeysan ee Al-shabaab ay ka fuliyaan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan degmooyin iyo degaanno ka tirsan Gobolkaas.