Akhriso:-Magacyada xubnaha Guddiga loo saaray dagaalkii Xabsiga Dhexe ee Xamar

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa guddi u Magacaabay dagaalkii shalay Xarunta Xabsiga dhexe ee xamar ku dhexmaray Maxaabiis ku jirta iyo Ciidanka ilaalada ka haaya halkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mahdi Guuleed ayaa lagu magacaabay Guddiga oo baaritaano dhab ah ku sameeya doona sababta keentay dagaalkii ka dhacay Xarunta Xabsiga dhexe, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddigaas ayaa ka kooban 5-xubnood, isla markaana baaritaano ku sameeynaya dagaalkii dhex-maray qaar kamid ah Maxaabiis ku jira xabsiga dhexe iyo Ciidanka ilaalada ka haaya halkaas.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha loo magacaabay shaqaadadii Xabsiga Dhexe.

1- Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye

2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin

3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin

4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin

5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee

Maxkamadda Ciidamada​ Xubin

6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)​Xubin

Xilka iyo Waajibaadka Guddiga:

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media