Hadal ka soo baxay Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa lagu sheegay inay 39 Saraakiil Bolis oo ka kala socda dalalka Kenya, Uganda, Zambia iyo Nigeria soo gaareen magaalladda Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan Boliska AMISOM.
Ciiddankaasi cusub waxay Somalia joogi doonaan muddo hal sanno ah, sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Midowga Afrika.
 Ciiddankaasi waxaa loo furay Tababar la xiriira Waajibaad Hawleedka AMISOM iyo qaabka ay uga qeyb geli doonaan La-shaqaynta Ciiddanka Boliska Somalia. Dhowrista xuquuqda Aadanaha, Daryeelka Carruurta, Gacan-siinta Hawlaha Samafalka iyo ka-hortagga Tacadiyadda ka dhanka ah Jinsiga.