Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hogaaminayay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.
Safarka Wasiirka Dastuurka ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlinayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedka wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay Arrimo la xiriirka Arrimaha Dastuurka KMG ah ee dowladda, iyadoona Wasaaradu bilihii ugu dambeeyay Shirar Wadatashi ku qabatay Caasimadaha Maamul Goboleedyada dalka jira.
Sidoo kale inta uu Wasii Saalax Axmed ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaaban doonaa Madaxda sare ee Galmudug iyo qeybaha Bulshada.
Dhinaca kale warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan Magaalada Dhuusamareeb lagu qaban doono shir looga hadlayo Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka, isla markaana laga dareemayo Shirka gudaha magaaladaas.