Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidankeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay kala baxeyso.
Wargeyka Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa waxaa uu qoray in wadahadalo uu dhexmari doono Wasiirka Difaaca Kenya iyo Madaxda sare ee Midowga Afrika, kaasi oo looga hadli doono sidii Kenya Ciidankeeda uga bixi laheyd howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Sidoo kale Wargeyska ayaa waxaa uu qoray in wadahadalka Kenya ay la galeyso Midowga Afrika ee AMISOM ay hogaamineyso Haweeneyda Monica Juma oo ah Wasiirka Difaaca Kenya, kaasi oo bilaaban doona maalmaha soo socda.
Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa kal hore sheegay in Ciidankooda aysan kala soo bixi doonin ah gudaha Soomaaliya, hayeeshee howlgalka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid soo gaba-gaboobay, kaasi oo 8 sano jirsaday.
Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa Ciidamada dowladda Kenya u ogolaaday inay Soomaaliya soo galaan Bishii October ee sanadkii 2011kii, waxaana Kenya la ansixiyay inay kamid noqdaan Howlgalka AMISOM sanadkii 2012.