Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya ayaa lagu arkayaa Wadooyin farabadan oo ka mid ah kuwa Muqdisho kuwaas oo Gadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya in Wadooyinka qaar ay isticmaalaan.
laga soo bilaabo Isgoyska Banaadir ilaa degmada Xamarwyen ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta xiran mana jirta wax gaadiid ah oo Shaqeynaya marka laga reebo dadka oo cagtooda maalaya.
Macada sababta ka dambeysa xeritaanka Wadooyinkaas, waxaana xusid mudan in Gaadiidka qaarkood iyo kuwa Mooto Bajaajka ay isticmaalayaan Wadooyinka qarda jeexa ah ee ku yaalla Xaafadaha.
Dadka qaarkood ayaa siweeydiinaya sababta loo xiray Wadooyinkaan iyada oo Warar kala duwan ay ka soo baxayaan xernaanshaha laga soo bilaabo Isgoyska Banaadir ilaa degmada Xamarweyne.
Shalay ayaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducale waxa uu sheegay in ay Ciidamada amniga heestaan wax ka yar Saddex maalin oo ay ku soo qabanayaan ddakii ka dambeeyay weerar lagu dilay Xoghayihii Ururk Haweenka Qranka Soomaaliyeed iyo wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururkaas weerarkaas oo ka dhacay degmada Xamarweyne.