Waa sidee Xaalada deegaano ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed?

Waxaa saakay xaalad degaanaasho ah laga dareemayaa deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo unguum iyo deegaano kale, waxaana uu salka ku haayay dhul-daaqsimeed iyo ceel biyood ku yaalla halkaas, iyadoona dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tirro intaas ka badan uu dhaawac soo gaaray,  waxaana dadka dhaawacyada la geeyay isbitaalo ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah Waxgaradka deegaanka unguum ayaa waxaa uu sheegay in Meleeshiyaadka ku dagaalamayay duleedka Kismaayo ay dhowr jeer kala dhex-galeen, hayeeshee shalay markale uu dib u qarxay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Dhinaca kale dadka deegaanka unguum ayaa maamulka Jubbaland ugu baaqay inay kala dhex-galaanka Maleeshiyaadka dagaalamaya, isla markaana codsaday in Ciidamo ay u soo diraan si loo joojiyo dagaalka dhiiga ku daadanaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media