Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed.
Shalay gelinkii hore waxaa deegaanka lagu dagaalamay gaaray ciidamo isugu jira Nabadsugida Galmudug iyo millateriga Soomaaliya si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamay.
Wararka saakay aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana deegaanadii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamadii shalay gaaray.
Dagaalkii maleeshiyo beeleedyada ku dhexmaray deegaanka Kaxandhaale ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 50 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen,waxaana shalay Cadaado gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo,kuwaas oo tegi doona deegaanadii lagu dagaalamay.