Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30-ka bisha December 2018, waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ayaa waxa uu yahay U codeynta Xeerhoosaadka ,Miisaaniyadda 2019 iyo Akhrinta 3aad H/Sharciyeedka Naafada Ciidamada.
Xildhibaanada Golaha Shacabka aya shalay dood dheer ka yeeshay miisaaniyadda dowladda 2019,iyadoona qaar kamid ah xildhibaanada oo kulankii shalay ka hadlay ay soo jeediyeen in si deg deg ah loo ansixiyo miisaaniyadda.
Waxaa lagu wadaa in Maanta Xildhibaanada go’aan ay ka gaaraan oo cod loo qaado miisaaniyadda maadaama sanadku dhamaad marayo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo diray xalay fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana laga doonaayo ay ka soo qeyb galaan.
Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay,iyadoona Ciidamada amniga ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.