Akhriso:-Maxaa ka jira in xilka laga qaaday Madaxa Xukuumadda Galmudug?

Warar la isla dhexmarayay saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada oo ku aadanaa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu xilka qaadis ku sameeyay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxmed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa wararkaasi si kulul uga hadlay Maamulka Galmudug

War kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa waxaa lagu beeniyay wararka baraha bulshada aad-ka u qabsaday ee la xiriira in Madaxweyne Xaaf uu xilkii ka qaaday Madaxa Xukuumadda Galmudug,isla markaana lagu tilmaamay ay yihiin wararkaasi kuwo been abuur ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa shacabka reer Galmudug u xaqiijiyay in waraaqda la wareejinayo Facebook ay tahay mid been abuur ah,mana jirto wax wax xilka qaadis ah,ayuu yirin Madaxweyne Xaaf.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa sidan.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay Facebook la wareejinayaan qolyaha diidan jiritaanka iyo hormarka Galmudug kaas oo ah in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu xilkii ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Waxa uu xafiiska Madaxweynaha Galmudug u xaqiijinaya shacabka reer Galmudug in ay waraaqda la wareejinayo Facebook been abuur tahay Dacaayadaas raqiiska ah ee qolyaha naf la caariga ahi wareejinayaana ay ku diidanyihiin Hormarka Galmudug

Ma jiraan wax xil ka qaadis ah waana been abuur waxa jira qolyo isku dayaya in ay qalqal galiyaan Galmudug balse waan la xisaabtami doona dadka doonaya in ay fidnada iyo qalqalka ka dhax abuuran Galmudug mana aqbali doona in sidaa daciifka ah looga faa’iideysto in qalqal la galiyo jiritaanka iyo masiirka Reer Galmudug.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media