Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirty ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane oo maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane, uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, isaga oo door weyn ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka.
Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Ismaciil Maxamuud uu maalmihii dambe ku xanuunsanayey Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, isla markaana xanuunkii haayay uu Isbitaalka ugu geeriyooday Maanta oo Axad ah.
Ismaciil Maxamuud Shidane oo loo yaqaanay Guddoomiyaha dhalinyarada Nabad iyo Nolol ayaa waxaa uu caan ku ahaa inuu baraha Bulshada ku taageeri jiray dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalena geli jiray Live Facebook.
Baraha Bulshada ku xiriirto gaar ahaan Facebook ayaa waxaa hareeysay tacsi loo dirayo Marxuum Ismaciil Maxamuud, qoyskiisa iyo Asxaabtii uu ka baxay.