Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa hakiyay dooarshada kursi ka mid ah Golaha Shacabka, kaasi oo degaan doorashadiisu ay tahay koofur Galbeed.
Warqad kasoo baxday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Guddiga doorashada ee Koofur galbeed lagu faray inay hakiyaan doorashada kursiga HOP#204 inta laga saxayo habraaciisa.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan doorashada kursiga HOP#204 inta laga saxayo habraaciisa” ayaa lagu yiri Qoraalka iyo warqadda kasoo baxday Guddiga.
Kursiga ayaa horay waxaa ku fadhiya Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya, kaasi oo sanadkaanna doonaya in uu mar kale u tartamo.