Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u Cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaartay Dad isugu jira Rayid iyo Ciidan.
Ururka OIC ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo Qoysaska Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadaas, wuxuuna u rajeeyay inuu Alle u booga dhayo Dadka dhaawaca ah.
Ururka OIC ayaa ku cel-celiyay cambaaraynta iyo diidmada adag ee ku aaddan ficillada ka dhan ah dad shacabka ah, wuxuuna ku dhowaaqay in ay Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin mar walba taageero kasta oo lagaga hor-tagayo falalka Al-shabaab.
Al-shaabab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxyo shalay ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.