Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey ahaa oo halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.
Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Soomaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.
Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle sare Xasan Cali Nuurte oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa uu sheegay in Kiisaska Eedeysanye Nuur Daahir ay Maxkamadda Go’aan kasoo gaari doonto.
Si kastaba Nuur Daahir ayaa 16-kii June Sanadkan waxaa uu Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamar-Jajab uu dilay Nin Odey ahaa, isagoo u dilay xabad sigaar ah oo ka iibsanayay, waxaana inta uusan Askariga goobta ka baxsan, falka kadib gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska.