UNICEF oo ku baaqday in la sii daayo Carruurta Muslimiinta ee ku xiran dalka Myanmar (Burma)

Wakiilka Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta (UNICEF) u jooga dalkaasi, Bertrand Bainvel ayaa sheegay in Carruurta Qowmiyadda Muslimiinta Rohingya ee looga tiro badan yahay dalkaasi ku xiran yihiin Xabsiyadda dalkaasi.

Carruurtaasi oo  ay ku jraan kuwo 10-jiro ah waxay ka mid yihiin Boqolaal Musslimiinta Rohingya  oo loo xiray, iyagoo lagu eedeynyo inay la shqeeyaan Kooxaha Mukhaawamadda.

REUTERS ayaa aragtay Dukumenti aan la sii daynin oo ay Boliska dalkaasi ku sheegeen inay 13 carruur ka mid yihiin in ka badan 400 oo qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Rohingya oo la xiray tan iyo bishii October 9-dii ee sannadkii hore.

Xilligaasi waxaa la weeraray 3 Bar Kontorool oo ay Boliska ku leeyihiin Xuduuka Myanmar la wadaagaan dalka Bangaladesh.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media