UNICEF oo codsatay Taageero si Cuddurka Malaariyada looga dabar gooyo Somalia.

Iyadoo maanta loo asteeyey Maalinta Malaariyadda Caalamka ayaa waxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF sheegtay inay hoos u dhacday tirada dadka Soomaalida ee la il-daran Malaariyadda, loona baahan yahay in Somalia laga dabar gooyo Malaariyadda.

Madaxa Hay’adda UNICEF ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Dr. Anirban Chatterjee oo War Saxaafadeed ka soo saaray magaalladda Nairobi waxa uu sheegay inay jeclaan lahaayeen inuu qof kasta kaalin ka qaato La-dagaalanka Malaariyadda ka jirta Somalia, oo uu xusay inay hoos u dhacday.

Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federalka Somalia ayaa iska kaashada Mashruuca Ka-hortagga Malaariyadda, iyadoo dadweyne fara badan loo qeybiyey Maro-kaneeco ay gabaad kaga dhigtaan Malaariyadda oo laga qaado qaniinyadda Kaneecadda.

UNICEF waxay tilmaamtay in Malaariyadda weli ku xooggan tahay qeybo ka mid ah Goballadda Bartamaga iyo Koonfurta Somalia iyo qeybo ka mid ah Waqooyiga Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor