Xarunta Dhexe ee QM ugu qaabilsan Ka-jawaabista Kharajka Gurmadka Degdegga (The UN Central Emergency Response Fund (CERF) ayaa shaaca ka qaaday inay 76 million oo Dollar u qoondeysay in wax looga qabto dadaalka nolol-badbaadinta ee dalalka ay ku dhufteen Abaaraha, Amni-la’aanta, Daadadka ka dhashay Roobabka Elnino iyo Masiibooyinka kale.
Dalalka Lacagahaasi loogu yaboohay ayaa la sheegay inay ku kala yaalaan Bariga Afrika, Afrika Koonfureed, K/bari ee Qaaradda Asia, Bartamaha Qaaradda Latin America iyo Jesiiradaha Badweynta Pasific Ocean.
War-saxaafadeed ay H Hay’adda Dhexe ee QM ugu qaabilsan Ka-jawaabista Lacagaha Gurmadka Degdegga (CERF) soo saartay ayaa lagu faahfaahiyey Dalalka la siiyey Taageeradda, waxayna kala yihiin:-
Somalia oo loogu deeqay 4.9 million oo Dollar, Ethiopia 25.5 million oo Dollar, Eritrea 2.5 million oo Dollar, Zimbabawe 4.9 million oo Dollar, Malawi 9.9 million oo Dollar, Waqooyiga Kuurya 6.3 million oo Dollar, El Salvador 3 million oo Dollar, Haiti 3 million oo Dollar, Honduras 2.3 million oo Dollar  iyo Waddanka Myanmar oo horey loo oran jirey Burma oo loogu yaboohay lacag dhan 10.5 million oo Dollar.
© Radio Dalsan   Â