Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee OCHA ayaa baahisay Qeylo-dhaanta ku aadan dadkaasi oo ku nool Dalalka Geeska Afrika ee weyn (The Greater Horn of Africa (GHA) .
Qoraalka OCHA ayaa lagu muujiyey in inta badan Deegaanadaasi lagu arkay inuu soo yara hagaagay Xilli Tacbashadda ee Qeybta Waqooyi ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo aysan xaalladda roobkuna caadi ahayn.
Warbixinta OCHA waxa kale oo lagu sheegay in Ammaanka Cuntada sii xumaanayso Deegaanadda ay naafeeyeen Ammaan La’aanta, oo ay ku jiraan dalalka Somalia, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Burundi.
Warbixinta ayaa lagu muujiyey in Colaadaha ka socda Somalia iyo Koonfurta Sudan sababeen Baahiyaha ugu waa weyn ee Aadaminimo, isla markaana ay sii kicinayaan Barakacayaal cusub ee gudaha dalalkaasi iyo kuwo ka guddba Xuduudaha dalalka kale.
QM ayaa horey u sheegtay in Dhaqdhaqaaqyadda Qaxootiga ee weli sii socda sababeen Ammaan La’aanta Cuntada iyo xaalladda Nafaqo-darradda oo ka sii darayso.
©Radio Dalsan