Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri ayaa ugu baaqay Dowladda Jarmalka inay taageero ka geystaan sidii dhaqaale loogu taageeri lahaa Hawlgalka Ciiddanka AMISOM ka wadaan Somalia.
Yoweeri ayaa hadalkaasi ka jeediyey mar uu Aqalka Madaxtooyadda ee Entebe kula kulmay Danjiraha Cusub ee Jarmalka u joogi doona Uganda, Dr Albarejti Konse.
Inta uu socday Kulankaasi waxa uu Madaxweyne Museveni ugu baaqay Dowladda Jarmalka inay taageero ka geystaan Xaalladda Ammaanka ee Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Uganda doonayso inay caawiyaan Somalia, balse ay dhibaato ku qabaan Kheyraadka Maaliyadda ee Hawlgalkaasi.
“Somalia waxay haatan u yara eg tahay inay Ciiddamo joogaan gudaha iyo dibedda†ayuu yiri Museveni.
Baaqa Taageeradda ee uu Museveni ka codsaday Dowladda Jarmalka ayaa soo baxay, dhowr maalin kadib, markii uu Ururka Midowga Afrika shaaciyey inay dabayaaqada sannadkan la bixi doonaan 1,000 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee ku sugan Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.