Maxaa ka jira in dalka loo diiday inay soo galaan Macalimiin u dhashay Masar?

Kadib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay Sawirro iyo warar sheegaya in dalka loo diiday inay soo galaan ama joogaan Macalimiin u dhashay dalka Masar ayaa waxaa arrintaas ka hadashay  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diiday inay soo galaan dalka Soomaaliya, waxaan la tilmaamay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah.

Sidoo kale Warka Hay’adda Socdaalka ayaa lagu Caddeeyay in Xogta iyo sawirada la baahiyeyba ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan Sidoo kale Hay’addu waxay caddeyneysaa in Xogta iyo sawirada la baahiyeyba ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media