Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah u diray, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu ayaa waxaa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacabka omaliland, wakhtigana ka mid ahaa golaha wakiilada Somaliland.
“Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxrooyada Somaliland.
Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuusanaa Magaalada Hargeysa, hayeeshee saakay ayuu ku geeriyooday gudaha Magaaladaas, waxaana ka tacsiyeeyay geeridiisa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Somaliland.