Hadal ka soo baxay Taliska Milliteriga Turkiga ayaa lagu sheegay in Gantaallo lagu garaacay goobaha ay Maleeshiyadda Daacish ka joogaan Degmadda Jarabuls oo ku dhow Xuduudka Turkiga la wadaago Syria iyo goobaha ay Maleeshiyadda Kurdisshka ee YGP ku leeyihiin meel ku dhow Waqooyiga Degmadda Manbij.
Sarkaal ka tirsan Milliteriga Turkiga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in 20 jeer la duqeeyey Fariisimadda Kooxda YPG, iyadoo ay weli socdaan duqeymaha lagu hayo Kooxda Daacish, si looga riixo fariisimadooda kaabiga ku haya xuduudka Turkiga.
©Radio Dalsan