Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-sugaha magaalladda Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed Bin Zayid Al-Nahyaan ayaa Kulan Khaas ah shalay ku yeeshay Qasriga Albaxar ee magaalladda Abu Dhabi.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Labada Mas’uul ka wada hadleen Xiriirka labada dal iyo qaabka lagu sii xoojin karo Xiriirka dhinacyadda Siyaasadda, Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Horumarinta.
Sidoo kale, waxaa Kulankaasi lagu lafa-guray Mashaariicda ay Dowladda Imaaraadka Carabta ku taageeraan dadka ku nool gudaha Somalia, gaar ahaan Dib-u-dhiska Qaranka iyo Hay’addaha Bulshadda, Horumarka iyo Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka sida ay u garab taagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed si loo gaaro Nabad, Ammaan iyo Horumar.
Madaxweynaha waxa uu Dhaxal-sugaha magaalladda Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed Bin Zayid Al-Nahyaan warbixin ka siiyey dadaalka Dowwladda Somalia ugu jirto La-dagaalanka Alshabaab, Falalka Xag-jhirnimadda iyo soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.
©Radio Dalsan