Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in dad hor leh laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo lagu ogaaday kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay jirkooda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Puntland Jaaamac Faarax Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in tirada dadka laga helay Cudurka COVID-19 ee deegaanada Puntland ay saacadihii lasoo dhaafay korortay.
Wasiirka ayaa cadeeyay in la baaray Cudurka 20 ruux oo 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, xanuunkana laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga wayay.
Isaga oo sii hadlaayay Faarax Jaamac ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka laga helay Cudurka ay Da’dooda u dhexeeyso 15jir ilaa 65jir, kuwaasi oo ah dad aan ka safrin halkaas.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23 ruux, uuna hal bukaan ahna uu u geeriyooday xanuunka.