Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu qormo dheer ka qoray sida Dhaqaalaha Maraykanka ay siiyaan Dowladda Somalia loogu adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA, waa sida uu Wargeysku daabacay.
Maqaalka waxaa lagu xusay in sannooyin badan ay Carruurtaasi ahaayeen kuwo ay hub iyo tababar siiyeen Alshabaab, isla markaana carruurtaasi loo soo diri jirey Aagaga Dagaalka ee hore.
Inta badan carruurtaasi ayuu qoray Wrageyska inay ahaayeen kuwo laga soo qafaasho Dugsiyadda, laguna khasbi jirey inay dagaalamaan.
Wargeyska waxa uu qoray in ay QM xilligaasi ku baaqday in carruurta laaga soo bixiyo Goobaha Dagaalka, iyadoo Dowladda Maraykankana shaacisay inay Alshabaab carruurta u adeegsadaan inay aasaan miinooyinka iyo inay fuliyaan dilalka qorsheysan, waa sida uu qoray Wargeyska The Washinton Post.
Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA ay sannooyin u adeegsanayeen carruurta War-keenayaal la shaqeeya NISA, sida lagu muujiyey Wareysiyo lala yeeshay Carruurta iyo Saraakiil ka tirsan Somalia iyo QM, waa sida uu daaabacay Wargeyskaasi.
Carruurtaaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka NISA u raacaan goobaha Alshabaab ku dhuumaalaystaan iyo inay tilmaamaan Taliyayaashoodii hore.
Wargeyska The Washington Post oo Carruurtaasi la hawlgasha NISA ugu yeeray Far-muuqayaal ayaa xusay inay carruurtaasi ku jiraan kuwo da’doodu ka hosoeyso 10-sanno iyo in dhowr ka mid ah la dilay iyo inuu mid ka mid ah isku dayey inuu is-daldalo muddadii lagu hayey baaritaanka, waa sida lagu soo daabacay Wargeyskaasi.
Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda NISA, Jeneral C/raxmaan Tuuryare oo u waramay Wargeyska The Washinton Post ayaa beeniyey in Wiilasha ka soo goostay Alshabaab lagu khasbo inay War-keenayaal noqdaan, wuxuuna xusay inay jiraan Carruur weli lagu hayo baaritaan, kuwaasi oo la yaqaano inay khatar yihiin.
Waxa uu intaasi ku daray in Wiilashaasi mararka qaarkooda si iskooda u raacaan Hawlgaladda oo ay Hay’adda NISA ka siiyaan Warbixino muhiim, si looga hortago weeraro mustaqbalak dhaca.
“Haddii uu qof carruur ah ku biiray Alshabaab, markii uu 9 jirka ahaa, haatan da’diisa waa 16 jir, waana qof Libaax ah” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA, Jeneral C/raxmaan Tuuryare
Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo eedeymaha sheegayo in ay Hay’adda NISA u adeegsadaan Carruurta dhinaca Wardoonka.
Wargeyska The Washington Post waxa kaloo uu Qormadiisa ku xusay inay wareysteen qaar ka mid ah Carruurta loogu yeero Far-muuqa ee la shaqeeya Hay’adda NISA, kuwaasi oo ka warbixiyey qaabka loo hawlgeliyo iyo khataraha ay kala kulmi karaan Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Marykanka waxay Hay’addaha Dowladda Federalka Somalai ka taageeraan Hawlgalka lagu dagaalamayo Alshabaab iyo Xarumaha Dhaqancelinta ee ay ku jiraan Dhallinyaradda iyo ilmaha yaryar ee la sheegay inay ka soo goosteen Alshabaab.
LINKS: Exclusive: US-funded Somali intelligence agency has been using kids as spies
Xigasho: The Washington Post
©Radio Dalsan