Maamulka Telefishinka China Global Television Network (CGTN) waxay Taageerayaashooda cuddur-daar ka siiyeen Sawir ay u adeegsadeen Qarixii shalay ka dhacay Suuqa Xaafadda Kaawo Godeey ee Degmadda Wadajir ee magaalladdan Muqdisho.
Warbixintaasi ayaa waxaa Sawir ahaan loogu adegsaday Sawir muujinaya Khariidada Somaliland ee W/Galbeed ee dalka Somalia, iyadoo uu Sawirkaasi muujinayo Khariidada Goballadda ay Maamulka Somaliland sheegteen inay yihiin Goballo ka go’ay Dalka Somalia sannadkii 1991-kii.
Qoraal Raalli-gelin ah oo ka soo baxay Madaxda Telefishinka China Global Television Network (CGTN) ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Tifaftirayaashooda uu si qaldan u qaatay Sawirkaasi,isla markaana ay ka xun yihiin qaladkaasi dhacay.
Waxay kaloo sheegeen inaysan arrintaasi ka turjumaynin Aragtida Dowladda Shiinaha.
Dhinaca kale, Maamulka Telefishinka China Global Television Network (CGTN) waxa uu tilmaamay inuusan hadafka Telefishooda ahayn inay kala qeybinin dadka ku nool Qaaradda Weyn ee Afrika.
Waxay kaloo sheegeen inay u mahad celinayaan Macaamiishooda Soomaalida, isla markaana aysan jeclayn inay lumiyaan Taageeradooda.
ee sida qurxoon ugu soo bandhigay Error-ka Khariidada loo adeegsaday qarixii shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho.
Ugu dambeyntii waxay xuseen inay dib-u-sixid iyo dib-u-tebin ku sameeyeen qaladkii ku jiray Warkii ku aadanaa Qaraxii shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan