• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 11, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Tartan lagu xoojinayey nabadda iyo isdhexgalka Bulshada oo ka furmay Degmadda Hodan

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 8, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Tartankaan isboorti oo ay ka qaybqaadanayeen Cayaartooy kala metelaysa waaxyaha kala duwan ee Degmadda Hodan ayaa galabta si rasmi ah uga furmay xarunta Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

Munaasabadii furitaanka Tartankaan oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Wacyegelinta Bulshada ee CCA ayaa waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiin isugu jirtay Heer degmo iyo madax metelaysay Ururadda Bulshadda Rayidka ee ka howlgala Gobolka Banaadir.

Furitaankii Tartankaasi ayaa khudbad ay halkaasi ka soo jeedisay Guddoomiyaha Degmadda Hodan Marwo Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo kiin) waxaa ay ku dheeraatay ka shekeynta faaiidada uu isboortigu u leeyahay isdhexgalka Bulshada iyo kor uqaadida nabadda, waxayna tilmaantay in qabashada tartankaan ay soo dhoweyneyso, iyadoo ay intaasi ku dartay in ay ka maamul ahaan ka go’an tahay sidii dhinaca isboortiga loogu mari lahaa wadada Nabadda.

Gudoomiyaha Degmadda oo hadalkeedi sii wadata waxay dhalinyaradda tartankaasi ka qaybqaadanayay  kula dardaarantay in ay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay u howlgalaan sidii ay uga caqli celin lahaayeen mid kasta oo la qalday, iyadoo dhinaca kale uga mahad naqday Hey’adda CCA qabashada tartankaasi.

Agaasimaha  Hey’adda CCA maxamed Cabdi xasan(Sandheere) oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in tartankani uu socon doono dhowrka cisho ee soo socota,wuxuuna xusay in ay ka qaybqaadan doonaan in ku dhow ilaa iyo Laba boqol oo dhalinyaro ah oo ka kala socda waaxyaha Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir “Tartankan isboorti waa uu ka balaaran yahay tartamadii hore ee ay Hey’addu qaban jirtay, wuxuuna isugu jira tartamo kala duwan sida; kubadda Cagta (Fuutsalka), kubadda Koleyga,  Kubadda Laliska, Orodada, Feerka, Xariq jiidka iyo kuwo kale” ayuu yiri Agaasimaha CCA oo intaasi raaciyey in gebagebada tartankan lagu bixin doono abaalmarino aad qaali u ah oo uu sheegay in la siin doono kooxaha kalimaha koowaad ka gala tartamadan.

Munaasabadii furitaanka Tartankaasi waxaa isna ka hadlay Gudoomiyaha Isboortiga Degmadda Hodan Maxamed Cabdi Maxamed ( Awdheere) oo ka war bixiyey qaabkii loo soo agaasimay tartankaasi iyo hanaanka uu ku socon doono tartankaas.

Kulankii ugu horeeyey ee lagu furay tartankaasi waxaa galabta isaga hor yimid kooxaha kubadda cagta ee waaxyaha Taleex iyo Oktoobar, waxaana 2 =1 ay guushu ku raacday wiilashii ku ciyaaarayey magaca Xaafada Oktoobar, halka berri lagu wado in ay garoonka degmadaasi ku kulmaan kooxaha xaafadaha Garasbaaley iyo Kacaan.

Dad weyne aad u fara badan oo u badnaa taageerayaasha labada xaafadood ee cayaarayey ayaa soo buuxdhaafiyay fadhiyada kala duwan ee garoonkaasi, iyadoo ay ku qaylinayeen ereyo ay ku taageerayaan hadba waaxdii ay ka socdaan.

Tartankani ayaa la filayaa in uu ka xiisa badnaan doono tartamadii horey u dhici jirey maadaama ay ka qaybqaadanayaan cayaartooy aad u fara badan , kuwaasi oo ku tartami doona qeybaha kala duwan ee isboortiga. 127

102 105 121 123 127 134

Previous Post

Bandhig faneed lagu noolaynayo dhaqanka iyo fanka oo ka dhacay Jowhar

Next Post

Somali government detains social media imposters

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal
Caalamka

Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal

May 11, 2025
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Next Post

Somali government detains social media imposters

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 11, 2025
0

Somalia's Federal Government Minister of Internal Security, Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), on Sunday hosted a special welcoming reception in honor...

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

by Liban
May 11, 2025
0

Koogaar (also known as Burdheere), Middle Shabelle Region – Two civilians were killed early this morning in a targeted attack...

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

by Liban
May 11, 2025
0

MOSCOW / KYIV / ISTANBUL —Russian President Vladimir Putin has declared his readiness to engage in direct peace talks with...

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa...

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
English News

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
English News

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm
English News

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu
  • Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
  • Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
  • Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00