Taliyihii Ciidamadda Militiriga Soomaaliya oo Xilkii Laga Qaaday iyo Taliye Cusub oo Loo Magacaabay

Ilo Wareedyo Diiday in la shaaciyo Magacyadooda ayaa U Xaqiijiyay Radio Dalsan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya u Xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidamadda Militiriga Soomaaliya General Daahir Adan Cilmi (Indha Qarsho).

Sababta Xilka looga qaaday Taliyaha oo aan isku daynay inaan si rasmi ah u ogaano ma aysan inoo suurto galin.

Warar kale oo ay Dalsan heshay ayaa iyagana sheegaya in Xilkasi loo Magacaabay Abaan duulihii hore ee Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya General Cabdikariim Yuusuf Adan oo loo yaqaano (Dhaga Badan).

Dowlada Federaalka Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin Warkan imminka soo shaac baxay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor