Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Maanta Booqday Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Ujeedka Booqashada Taliyaha Ciidamada lugta General C/Xamiid uu ku Tagay Degmada Awdheegle ayaa ahaa u kuurgalida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Awdheegle iyo arrimo kale oo la xiriirka dhanka Ciidanka.
Generaal C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Mid mid waxa uu u dul istaagay Difaacyada Ciidamada, isagoona halkaasi kula dardaarmay ciidamada ku sugan furumaha hore ee dagaalka Awdheegle.
Taliyaha Ciidamada lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirirรย oo la hadlayay Ciidamada waxa uu sheegay in ay ugu tagi doonaan Goobaha ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab.