Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-Shabaab iku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan,gaar ahaan duledeka dgemada Maxaas.
Dagaalka ayaa yimid ka dib Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan dowladda ee ka baxay aladweyne xilli ay ay marayeen duleedka degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Sargaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa SONNA u sheegay in Maydadka rag ay ka dileen Al-Shabaab iyo hubk ay ka furteen haatan ay gaarsiiyeen magaalada Baladweyne halkaas oo ay doonayaan inay Warbaahinta ugu soo bandhigaan.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Jubbada Hoose.