Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray oo lagu soo dhaweeyay wafdi ka socda Midowga Afrika.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Francisco Madeira,waxana Garoonka Diyaaradaha Baladweyne ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Xubnaha Wafdigaan aya ka kobaan 10 ka mid ah safiirada wadamadaAafrika qaarkood ee Soomaaliya u fadhiya,waxaana u jeedada wafdiga ee Magalada Baladweyne ay u tageen lagu sheegay ka qeyb galka shir halkaasi ka furmaya.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladaha Amniga ee deegaanada Hir-Shabeelle,iyada oo wafdigaas ay Soomaaliya u yimaadeen qiimeyn ay ku sameynayaan dhanka amniga.