Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa Booqday hoyga uu deganyahay Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.
Madaxweyne Waare ayaa Macalin Maxamuud ugu tagay salaan iyo booqasho,isla markaana waxaa intaasi kadib dhexmaray kualan looga hadlay arrimo kala duwan.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankaas looga hadlay xaaladda Guud deegaanada Galmudug iyo dagaal beeleedyada ka soo Cusboonaday deegaano ka tirsan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo arrimo kale.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.