Magalada Bosaaso Waxaa Ku Soo Dhammaaday Kulan U Dhexeeyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Iyo Bulshada Ka Soo Jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya Kuwaas Oo Puntland Ku Nolaa Kuna Gacansanaayay Intii Ay Puntland Jirtay.
Qaar Kamid Ah Nabadoona Iyo Ganacsatada Koonfur Galbeed Oo Ku Sugnaa Madasha Ayaa U Mahadceliyay Shacabka Iyo maamulka Puntland Iyagoona Shegay In Ay Ka Qeyb Qataan Hormarka Kajira Puntland.
Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Ayaa Sheegay In Aysan Dhici Doonin In Qof Muwaadin Ah Lagu Xadgudbo Xuquudiisa Iyo Sharaftiisa Waxana Uu Shegay In Puntland Qofkasta Iyo Cidwalba Ay Isku Xuquuq Yihiin Oo Aysan Ka Jirin Meel Kalle Oo Uu Ka Yimi Qofka Ku Sugan Degaanada Puntland.
Muddooyinkii dambe waxaa la arkayay dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfurgalbeed oo ka cabanaya in dhibaatooyin lagu hayo iyada oo kulankaan uu u muuqdo mid lagu xalinayay cabashadaas dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfurgalbeed.