Wadayaasha gadiidleyda Bajaajka eek a howlgala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta dhigan Banaanbax balaaran waxaana ay ku dhawaaqeen Shaqo joojin.
Qaar ka mid ah wadayaasha Bajaajka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin ciidamada booliiska eek a howlgala degmada kuwaas oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan isla markaana ay ka shaqeysan la’yihiin.
Wadayaasha gaadiidka loo yaqaano Bajaajka ayaa sheegay in dhibaatooyinka lagu hayo ay ka mid yihiin in lagu amray in aysan dadweynaha ku dejin Laamiga Sameecadaha iyo daahmada in laga furo iyaga oo tilmaamay in uu usii dheeryahay ganaax dhan $20 dollar oo aysan awoodin.
Madaxda maamulka Galmudug ayaay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas ay sheegeen in ay ku hayaan ciidamada booliiska eek a howlgala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.