Xarunta madaxtooyada Somaliland oo lagu qabtay munaasibada xuska 18 May oo qaaraan uruurin loo badelay ayaa xalay laga uruuriyey lacag dhan saddex milayn iyo boqol kun oo doolar in ka badan,
waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay ganacsatada waaweyn ee Soomalilinad iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Somaliland oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa farrin qaaraan uruurin ah u diray bulshada munaasibada isugu timi, wuxuunu khudbadiisa kaga hadlay madaxweynuhu muhiimada ay leedahay in laysku tiirsado, wax lays taro iyo in loo gurmado dadka ay abaaruhu aafeeyeen oo ku xoolo belay .
Munaasibada qaaraan uruurinta oo toos looga daawanayey warbaahinta kahowlgasha deegaanada maamulkaasi  ayaa waxa ka soo qayb qaatay shacabka somaliland ee qurbaha ku sugan, iyaga oo liiska qoraalka iyo adeegyada kala duwan ee lacagaha lagu diro kaga soo qayb qaatay qaaraaanka.
.Soomaliland ayaa kamid ah meelaha ugu badan ay saameeysay abaarta sanaddkan kudhufatay meelo badan oo kamid ah Soomaliya.