Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray Qaraxii Barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde,kaasi oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.
War qoraal ah oo Barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ku sheegtay in Gaariga qarxay noociisu ahaa TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro Bar-Koontarool oo ku taalla Isgoyska KM4,sidaasina uu ku qarxay.
Sidoo kale Zakiya Xuseen Axmed ayaan sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen Aaskar iyo dad shacab ah,halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo xiliga oo qaraxu ka dhacayay ku sugnaa halkaas.
“Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortagay baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Allah u naxariisto intii dhimatay inta dhawaacantay cafimaad dag dag ah inshallah?ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen Axmed.
Ugu yaraan 12 ruux oo ku geeriyooday qaraxaas,halka in kabadan 15 qof kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi haatan oo lagu dabiibayo Goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dadka qaraxa ku waxyeeloobay ay ku jiraan dad u socday Xajka oo Maanta doonayay inay u safraan dalka Sacuudiga.