Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu qarxay xili uu ku jiray Safka gaadiidka doonaya inay aadan dhinca Garoonka Aadan Cadde gaar ahaan Albaabka hore ee Hotelka Afrik oo ku yaalla halkaas.
Sidoo kale xiliga uu qaraxa ayaa goobta waxaa aheyd mid aan u Mashuul badan,waxaana xiligaas goobta ku sugnaa dad badan iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo halkaas ku lahaa Bar-Koontarool oo gaadidka lagu baaro.
Dhismayaashii ku yaallay Aaga uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan,waxaana dab uu xoogan uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ku taalla agagaarka Aargada Isgoyska KM-4 ee Muqdisho.
Waxaa aad u adeg in la helo xogta rasmi ah ee qaraxaas oo sababay Khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed,waxaana warar la helayo ay sheegayaan in 12 ruux oo ku geeriyoodeen qaraxaas,halka in kabadan 15 qof kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dadka qaraxa ku waxyeeloobay ay ku jiraan dad u socday Xajka oo Maanta doonayay inay u safraan dalka Sacuudiga.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas,isla markaana waxaa ay ay xireen Aaga uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hadlayaan qaraxii ka dhacay Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo lagu daabacay Baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas,iyadoo sheegtay inay ku bartilmaameedsadeen Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho .