Kulan looga hadlaayay amniga Gobolka Nugaal ayaa Maanta oo Axad ah ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka, kaasi oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabadsugida Gobolka.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga Caasimadda Maamulka ee Magaalada Garoowe, kan Gobolka iyo u diyaar garowga sugida amniga ee maalmaha Ciidul fitriga oo maalmaha kooban naga xigaan.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay Ciidamo u diyaariyeen kahortega Carruurta waxyeelada isku geysata, inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda, isagoo farriin adeg u diray waalidiinta dhalay Carruurta.
Sidoo kale Taliye Xuseen Cali ayaa Digniin u diray dadka gaadiidka ka furta Taarikada ama Nambarka gaariga, wuxuuna Taliyaha Carabka ku dhuftay inay tallaabo adeg laga qaadi doono qofkii lagu arka isaga oo gaari ka furanaya Taarikada.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa u mahadceliyay shacabka Magaalada Garoowe iyo kuwa kunool Gobolka Nugaal, wuxuuna ka dalbaday inay wadashaqeyn la yeeshaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro ka dhacda Caasimadda.