Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku hrsan Hirshabeelle, kaasi oo deegaan doorashadiisa taha Magaalada Jowhar.
Doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#009 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cali Xasan Ibraahim iyo Cabdisataar Cabdisalaan Xasan Barsane oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas doorashadiisa dhacday.
Cali Xasan Ibraahim ayaa kusoo baxay oo ku guuleystay kursiga HOP#009, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 67 Cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayey Cabdisataar Cabdisalaan uu isna helay 33 Cod, 1 Codna waa uu halaabay.
Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa shaaciyay in Cali Xasan loo doortay kursiga HOP#009, kaasi oo kamid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Maamulka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ku harsan oo kaliya saddex kursi oo taalla Jowhar, wuxuuna Maamulkaas uu yahay midka kaliya ee aan weli soo dhammeeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka, iyagoo soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Magaalada Baladweyne.