Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho Warbixin lagu daabacay Shabakad Warbaahineed laga leeyahay Somaliland oo looga hadlay xiriirka Somaliland iyo Taiwan.
Warbixinta la daabacay ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay u diyaar garoobeyso sidii ay u aqoonsan laheyd dalka Taiwan oo ku yaalla Waqooyiga qaaradda Aasiya, waxaana Taiwan ay sheegtay in Warkaas aysan ka hadli karin.
Joanne Ou, oo ah Afhayeenadda Wasaaradda A/Dibedda Taiwan ayaa warbaahinta u sheegtay in War lagu daabacay Shabakada laga leeyahay Somaliland aysan shaacin halka ay kasoo xigatay Warka isku diyaarinta Somaliland ee ku aadan aqoonsiga Taiwan.
Sidoo kale Afhayeenadda ayaa tilmaatay in Taiwan iyo Hay’addaha Somaliland uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo ku saleysan dhinacyo kala duwan, waxaana ay xustay Afhayeenadda in labada dhinac ay sii wadi doonaan xiriirka wanaagsan.
Shabakad Warbaahineed laga leeyahay Somaliland ayaa qoraalka ay qortay ku sheegtay in Ilo-wareedyo aysan shaacin kasoo xigatay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu talo ku bixiyey in laga shaqeeya sida ugu suurtogalsan ay Somaliland u aqoosan karto Taiwan.