Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday waxaa ay ku soo qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Dil loo adeegsaday tooreey oo habeen hore Xaafadda Buundo-weyn ee Baladweyne loogu geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.
Taliyaha Booliska Baladweyne Maxamed Maxamuud Qoorsheel oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in rag burcad ah oo laga shakiyay lagu qabtay howlgalkii ay sameeyeen Ciidanka amnig.
Sidoo kale Taliye Maxamed Qoorsheel ayaa waxaa uu tilmaamay in ragga lasoo qabtay lagu xiray Saldhiga Booliska, isla markaana ay haatan baaritaano kala duwan ku wadaan laamaha amniga Dowladda.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ayuu Taliyaha Booliska ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga Magaalada, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood halkaas ka dhaca.
Marxuumka habeen hore la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Caydaruus Calawe Siyaad, isagoo kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ee ka howlgala halkaas, waxaana dilka kahor la doonayay in laga dhaco Mootada uu watay.