Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa soo saartay Warbixin ay kaga hadashay Tahriibayaasha sannadkan gaaray Xeebaha Europe iyo kuwa ku le’day Badda Mediterranean Sea.
Warbixinta cusub ayaa lagu sheegay inay 546 Tahriibayaal bishan November ku geeriyoodeeen Badda Mediterranean Sea, kuwaasi oo badankooda ka yimid Xeebaha Libya.
Ku-dhawaad 365 qof ayaa isbuucan oo keliya naftooda ku waayey saddex shil dooni oo ka dhacay meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya.
Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM waxaa kaloo lagu soo bandhigay 8-da Waddan ee ay dadkooda ugu badan yihiin Tahriibayaasha sannadkan gaaray Qaaradda Europe, waxayna kala yihiin: Somalia, Nigeria, Eritrea, Sudan, Gambia, Ivory Coast, Guinea,iyo Mali.
Ilaa 343,589 Tahriibayaal ayaa sannadkan si nabad ah ku gaareen Xeebaha Qaaradda Europe, kuwaasi oo ka soo tahriibay Xeebaha Libya.
Dhinaca kale, in ka badan 4,600 Tahriibayaal ayaa sannadkan ku geeriyooday Badda Mediterranean-ka, sida lagu shaaciyey Warbixinta cusub ee ay Hay’adda IOM soo saartay, iyadoo la sheegay inuu Sannadkan yahay sannadkii ugu dhimashadda badnaa Tahriibayaasha ku sii qulqulayo Xeebaha Qaaradda Europe.
©Radio Dalsan