Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Somaaliya ee Gobolka hiiraan ayaa abaalmarin lacaged gudoonsiiyay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Somaaliya kaas oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa oo ay u dhiibeen rag ka tirsan Al-Shabaab sida uu sheegay Askariga.
Askariga ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Axmed,waxa uuna sheegay in ay la soo xiriireen rag ka tirsan Al-Shabaab si uu ugu fududeeyo in ay qaraxyo ku dilaan Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jabuuti oo ka tirsan Amisom balse isagu uu go’aansaday in ragaas uu fashiliyo.
Hoos ka Dhageyso Codka Askariga
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Somaaliya ee Gobolka hiiraan Col. tawane Maxamed Axmed ayaa sheegay in Askarigaas uu yahay mid geesi ah islamarkaan sishaqsiyan ah uu u gudoonsiiyay lacag dhan 300 oo dollar.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha