Ugu yaraan 90 qof oo ku geeriyootay shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay inuu Waaberigii hore ee saakayto inuu Tareen ku qalibmay meel ku dhow Tuulladda Purwa ee duleedka Degmadda Wershadaha leh ee Kanpur ee Waqooyiga dalkaasi.

14 Rimoor oo ka mid ah Rimooradda uu jiidayey Tareenka ayaa wada rogmaday, taasi oo keentay inay geeriyoodaan ugu yaraan 90 qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 120-kale.

Boqolaal qof ayaa la sheegay inay weli ku hoos xaniban yihiin rimoorada uu jiidayey Tareenka qalibmay.

Tareenka ayaa la sheegay inuu u kala gooshayey Patna iyo magaalladda Indore oo ku taalla Bartamaha dalkaasi, markii uu shilkaasi dhacayey.

Kooxaha Gurmadka iyo Shaqaalaha Daawooyinka ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, iyadoo tiro badan oo dhaawac culus qabay loo qaaday Isbitaallo ku yaalla Kanpur.

Shilalka Tareenadda waxay caadi ka yihiin dalka Hindiya, waxaana inta badan sababa cillad dhinaca Aadanaha iyo Tareenadda oo muddo dheer shaqaynayey.

tareenka

train-1

tareen3 tareen2

train00 ©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor