In ka badan 79 Shisheeye oo ay ku jiraan dad Somali ah oo si sharci-darro ugu shaqaysan jirey dalka Tanzania ayaa lagu soo qabtay Hawlgal ay Waaxda Socdaalka ka fuliyeen caasimadda dalkaasi ee Darasalaam.
Sarkaalka Waaxda Socdaalka ee Gobalka Darasalaam, John Msumule ayaa sheegay in Tahriibayaasha la qabtay ay u kala dhasheen 14-Waddan, waxaana dadka lagu qabtay ku jirey 3 Somali ah, 20 u dhalatay Shiinaha, 23 Ethiopian ah iyo kuwo u kala dhashay dalal kale.
Sarkaalka waxa kale oo uu tilmaamay inay gacanta ku dhigeen 3 Mukhalasiin Tanzanian ah, kuwaasi oo lix gabdhood u dhoofin lahaa dal kale oo aan la shaacinin.
©Radio Dalsan Â