Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta furmaya

Waxaa Maanta Sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 26-ka Bisha Octoobe lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Marti  sharaf kale oo lagu Casuumay.

Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa haatan waxaa socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka Xaflada, waxaana halkaas kusii qul-qulaya mudanayaasha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khudbad ka jeedin doona Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wasiilada Puntland, isagoona uga hadli doona arrimo kala duwan.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo waramayaa in la dhigay Wadooyinka soo galaya iyo kuwa kabaxa Xarunta Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, iyadoona Maana amniga Magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media