Dhageyso:-Kaniisaddii laga furay Hargeysa oo Al-Baabada la isugu dhuftay

Maamulka Soomaaliland ayaa War maanta ka soo baxay waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba Al-Baabada la isugu dhuftay Kaniisadii dhawaan dib looga hirgeliyay Gudaha Magaalada Hargeysa mudo 30,Sano ah kadib.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Soomaaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Maanta shir Jara’id Maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa  ayaa sheegay in Soomliland  marna aysan jirin cid ay heshiis kula gashay.

Waxa uu sheegay in Kaniisadaan ay aheyd mid dib loo dayactiray kadib markii gumeestihii ingiriiska oo Hargeysa ka dhistay mudo hada laga joogo 70 Sno.

Waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay Al-Baabada isugu dhufteen Kaniisadaas.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media