Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saakay xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socda hay’adda SILC(Swidesh International Liberal Centre) oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha Dimuqraadiyeynta, kana jirta Dalka Sweden.
Kulan ayaa waxaa looga wada hadlay sii amba qaadista geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, gaar ahaan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.