Warar dheeraad ah ayaa ksoo baxaya howgallo culus oo ciidamadda Kumaandooska ee DANAB ay ka fuliyeen deegaanno ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayen saldhigyo, waxaana soo baxaya faah faahinno ku aaddan howgallada ay sameeyeen Ciidanku.
Wararka waxaa ay tilmaaamyaan in Ciidamadda Kumaandooska ee DANAB ay howlgalka oo aha mid qorsheysan ay si gaar ah uga fuliyeen deegaanada Tooratoorow iyo Caliyoow Baaroow.
Howlgalka waxaa si gaar ah u fuliyay Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, waxaana ay sheegeen saraakiisha Ciidanka hor kacaysay in ay gacanta ku dhigeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa ay intaas ku dareen Saraakiishu in ay burburiyeen Saldhigyo iyo goobo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadi jireen lacago, waa sida ay hadalka u dhigeene Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Howgalka sameeyay.
Waxaa ay intaas kud areen in ay hayaan xubno ka tirsan Al-Shabaaab oo ay howgalka ku qabteen, oo sida ay sheegeen tiradoodu ay gaarayso ilaa iyi lix dagaalame, kuwaasi oo ku sugnaa degaanada ay la wareegeen Ciidanka Dowladdu.